Agaasimaha kubadda cagta Barcelona oo ku sugan magaalada Manchester isagoo wada-xaajood kula jira labada naadi ee United iyo City… (Waa kuwee xiddigaha uu mid walba ka doonayo?)

(Manchester) 28 Nof 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa wali dadaal ugu jirta sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd ugu yaraan hal saxiix suuqa bisha January ee sanadka soo socda, waxaana haatan agaasimaheeda kubadda cagta ee Mateu Alemany uu ku sugan yahay magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska si uu u dhammeeyo saxiixa midkood Edinson Cavani ama Raheem Sterling oo uu kala ciyaaray Man United iyo Man City.

Mateu Alemany është në Manchester në kërkim të përforcimeve - InfoBox  Albania

Manchester City weeraryahankeeda Sterling ayaa aad loola xiriirinayay Barca bilihii lasoo dhaafay halka Cavani uu isna ka waayay Manchester United daqiiqado ku filan inuu ciyaaro kaddib imaanshahii Cristiano Ronaldo ee suuqii xagaaga.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Radio Barcelona, Alemany ayaa ku sugan maagalada Manchester si uu u xoogga u saaro labada weeraryahan inay gacanta ku dhigto kooxdiisa inkastoo 26-sano jirka reer England ee u ciyaara Citizens uu yahay bartilmaameedka koowaad.

Barcelona ayaa xalay gaartay guusheedii ugu horreysay ee horyaalka La Liga iyadoo bannaanka kusoo ciyaareysa, waxayna goolal ay ka kala heshay Frenkie De Jong, Memphis Depay iyo Philippe Coutinho ay kusoo garaacday kooxda Villarreal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close