RASMI: Kooxda Dekedaha oo maanta magacaabatay Guddoomiye cusub

(Muqdisho) 27 Nof 2021. Kooxda kubadda cagta Dekedaha ayaa ku dhawaaqday guddoomiyaheeda cusub.

Kaddib is-casilaadii guddoomiyihii hore ee kooxda Dekedaha Cabdulaahi Faarax, Naadiga Dekedaha  ayaa maanta magacaabatay  guddoomiyaheeda cusub ee kooxdan maamuli doona, kaasoo ah Mudane Yaxye Sheekh Nuur.

Kooxdan Dekedaha ayaa ah mid ka mid ah kooxaha ugu tunka weyn ee ka ciyaara horyaalka Somali Premier League.

Si kastaba, kooxda Dekedaha ayaa markan yeelatay guddoomiye cusub, kaasoo markan lagu arki doono tartammada ku soo wajahan Naadiga.

Bayaan ay kooxdu maanta ku magacowday guddoomiyaheeda cusub halkaan hoose ka eeg:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close