“Wax kasta oo laga sheego Rangnick waa mala-awaal, waxaana diirada saarayaa kulanka Chelsea” – Carrick

(Manchester) 26 Nof 2021. Tababaraha Manchester United Michael Carrick ayaa diiday inuu ka hadlo wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan heshiiska ay kooxda la gashay macalinka reer Germany ee Ralf Rangnick, si uu u noqdo badelka Ole Gunnar Solskjær.

Wargeysyada ayaa sheegay shalay oo Khamiis ahayd in Ralf Rangnick uu noqon doono macalinka cusub ee kooxda Manchester United ku leylin doona si ku meel gaar ah illaa dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

Haddaba Michael Carrick oo ka soo muuqday shir jaraa’id kahor ciyaarta Chelsea ee Axada ayaa wuxuu yiri:

“Kaliya waa mala-awaal iyo warbixino, maskaxdaydu waxay ku mashquulsan tahay oo kaliya kulanka Chelsea,”

“Diiradayda waa inaan u diyaariyo kooxda sida ugu macquulsan, waa mas’uuliyad weyn, wax walbana waan siiyay, kama fikiri doono waxaan ka ahayn kulanka Chelsea.”

Intaas kaddib Carrick ayaa ka hadlay guushii ay ka gaareen Villarreal, wuxuuna shaaca ka qaaday:

“Guushan waxay na siineysaa dhiirogalin weyn, ciyaartoyda waxay dib u heleen dareenkii lumay waxayna bilaabeen inay dib u helaan kalsooni.”

“Ciyaarta Chelsea waa kulan kale oo aad u weyn, kuwana waa kulamada ay tahay inaad ku raaxaysato, waxay noqon doontaa imtixaan fiican.” ayuu yiri Tababaraha Manchester United Michael.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close