Waa kuma bartilmaameedka koowaad ee uu Xavi Hernandez doonayo inay Barcelona u dhaqaaqdo suuqa January

(Barcelona) 26 Nof 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa fahansan in dhibaatada ugu badan ee kooxdiisa heysata ay tahay la’aanta weeraryahan la isku halleyn karo maadaama ay naadigiisa dhalisay kaliya hal gool oo rigoore ah labadii ciyaarood ee uu leyliyay.

Sidaas darteed, Barca oo diyaar u ah inay ku dukaameysi tagto rabitaanka Xavi ayaa suuqa January isu diyaarineysa inay u dhaqaaqdo soo xero gelinta weeraryahanka naadiga FC Basel ee Arthur Cabral sida ay warisay majaladda MARCA.

Quién es Arthur Cabral, el delantero que busca Barcelona?

Majaladda Isbaanish-ka ah ayaa intaas raacisay inay Bluragana saxiixa Cabral ugu dhaqaaqeyso qaab amaah ah inta ka dhimman xilli ciyaareedkan kaddibna ay toos u iibsato marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan maadaama bartmaha xilli ciyaareedka aysan u diyaarsaneyn soo iibsasho joogto ah.

Cabral ayaa haatan ah magaca ugu sarreeya diiwaanka weeraryahannada ay Barcelona dooneyso bisha January, waxaana laacibka reer Brazil uu dhaliyay 24 gool kaddib 25 kulan oo uu u ciyaaray naadigiisa tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close