Man City oo si la yaab leh wada-xaajood ula bilawday wakiillada mid ka mid ah xiddigaha loo saadaalinayo Ballon d’Or sanadkan

(Manchester) 26 Nof 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa sida ay warar kala duwan sheegayaan dooneysa inay xagaaga soo aaddan sameyso saxiix ka yaabiya kubadda cagta oo idil xilli ay baadi-goob ugu jirto lasoo saxiixashada weeraryahan cusub.

Man City ayaa xagaagii lasoo dhaafay isku dayday inay lasoo saxiixato Harry Kane inkastoo ay ugu dambeyn ku hungowday, waxayna haatan bartilmaameedkeeda u weecisay laacibka Real Madrid ee Karim Benzema.

Man City 'make contact with Benzema's representatives'

Wargeyska El Nacional ayaa baahiyay in kooxda difaacaneysa Premier League ay xitaa la xiriirtay wakiillada Benzema si ay uga soo qaataan naadiga caasimadda Spain ka dhisan taasoo la fahansan yahay inay isu diyaarineyso lasoo saxiixashada Kylian Mbappe iyo Erling Haaland taasoo gogosha u xaareysa in weeraryahanka Faransiiska la iibiyo.

Si kastaba ha ahaatee, 33-sano jirkan ayaa ku jira qaab ciyaareed heer sare ah isagoo diiwaanka xilli ciyaareedkan ku qortay 15 gool iyo siddeed caawin dhammaan tartammada, waxaase xusid mudan inuu qandaraaskiisa Santiago Bernabue Stadium uu ku eg yahay xagaaga 2023.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close