Iska ilow inay ka iibiso Barcelona, Man City oo qorshe kala ka damacsan xiddigeeda Raheem Sterling

(Manchester) 26 Nof 2021. Waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay shaki weyn la gelinayay mustaqbalka Raheem Sterling oo lala xiriirinayo u dhaqaaqista naadiga Barcelona, hase ahaatee, Manchester City ayaa dhinac kale u rogeysay qorshaha ay ka leedahay laacibkeeda.

Man City ayaa lagu soo warramayaa inay diyaarineyso wada-hadallo heshiis kordhin ah oo ay la yeelaneyso xiddigeeda si ay sare ugu qaaddo heshiiskiisa kaasoo haatan dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedka dambe ama xagaaga 2023 sida uu baahiyay wargeyska The Telegraph.

26-sano jirkan ayaa ka gadoodsan daqiiqado ciyaareedkiisa oo soo koobmay xilli ciyaareedkan isagoo lumiyay booskiisa koowaad ee shaxda Macallin Pep Guardiola inkastoo labadii ciyaarood ee lasoo dhaafay uu dhammeystay min 90 daqiiqo waxaase sidaas u wacan maqnaashaha Foden, Jack Grealish iyo Kevin De Bruyne oo dhaawacyo iyo Korona garoommada uga kala maqan.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka reer England ayaa goolkiisii afaraad ee xilli ciyaareedkan Citizens u dhaliyay kulankii ay guusha ka qaateen Paris Saint-Germain ee ka tirsanaa tartanka Champions League waxaana uu wadar ahaan Man City u dhaliyay 118 gool kaddib 309 kulan oo dhammaan tartammada ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close