Halyeey kooxda Rangers ah oo is bar-bardhig xiisa leh ku sameeyay Messi iyo Ronaldo

(Yurub) 26 Nof 2021. Halyeyga kooxda Rangers ee Ally McCoist ayaa hadal xiiso leh ka sheegay farqiga u dhexeeya labada halyeey ee kubbada cagta Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Waxaa xusid mudan in Ally McCoist uu horay u soo hooyay guulo badan oo shaqsi ah iyo mid guud, isaga oo ku guuleystay 10 jeer horyaalka Scotland, sidoo kale labo jeer oo xiriir ah ayuu ku guuleystay kabta dahabka ee Yurub xilli ciyaareedkii 1991/1992 iyo 1992/93.

Wargeyska TalkSport ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Ally McCoist, isaga oo si xiiso leh kaga hadlay farqiga u dhexeeya Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, wuxuuna yiri:

“Messi wuxuu hadda noqday mid suga kubadda in ka badan inta uu raadinayo.”

“Yaa fiican? Aan sharaxo xaallada, Ronaldo wuxuu ka soo ciyaaray England, Italy iyo Spain, wuu sameeyay wuuna ku guuleystay.”

“Messi uma tartami karo arrintan, si fudud uma tartami karo sababtoo ah ma uusan sameynin.”

“Wuxuu ku fiicnaa Spain, laakiin kuma wanaagsana Paris Saint-Germain.”

“Si kastaba ha ahaatee, hadda haddii aad i siiso mid iyaga ka mid ah si aan ugu ciyaaro qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa abid, waxaan dooran doonaa Messi.”

Halyeeyga reer Scotland oo sii waday ka hadlida Lionel Messi ayaa wuxuu ka hadlay kulankii ugu dambeeyay ee Paris Saint-Germain ay la ciyaareen Manchester City, wuxuuna yiri:

 “Waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican taariikhda, waxaan daawaday 10 ama 15 daqiiqo, uma maleynayo inuu wax ku filan sameeyay si uu kubadda u helo.”

“Wax yar ayaan ka niyad jabay Messi, waxaan arrintan ka fikiray xalay, wax badan ayaan ka sugayaa isaga.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close