Barcelona oo qorsheyneysa inay lasoo saxiixato weeraryahan ka tirsan Manchester United

(Barcelona) 26 Nof 2021. Wargeysyada Spain ayaa sheegay in maamulka Barcelona ay wadahadalo degdeg ah la galeen Manchester United si ay ula soo saxiixdaan Edinson Cavani, weeraryahanka Red Devils, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga jiilaalka.

Edinson Cavani ayaa kaga nool Manchester United waqtiyo aan wanaagsaneyn, sababa la xiriira inuusan ka qeyb galin inta badan kulammada kooxda, kaddib markii ay United la saxiixatay xilli ciyaareedkan halyeyga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Ilaa hadda, Edinson Cavani ayaa Manchester United kala qayb galay 270 daqiiqo oo kaliya, taas oo keentay in laacibka uu ka fikiro inuu tijaabiyo khibrad cusub oo ah meel ka baxsan Manchester United.

Shabakadda Fichajes ee dalka Spain ayaa muujisay in Barcelona ay doonayso inay heshiis la gasho Edinson Cavani, oo ay hadda kala xaajoonayaan Manchester United si ay ugu oggolaadaan inuu baxo inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha January.

Cavani insists he's 'proud' to wear Manchester United shirt | The Japan Times

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Barcelona ay u baahan tahay inay la soo wareegto weeraryahan cusub, gaar ahaan kadib markii la sheegay in laacibka reer Argantina ee Sergio Aguero uu qabo dhibaatooyin caafimaad ee dhanka wadnaha ah oo ka dhigi doona inuu ka fariisto gabi ahaanba ciyaarista kubadda cagta.

Shabakadda Fichajes ayaa intaa ku dartay in Barcelona ay diyaar u tahay inay Edinson Cavani la soo wareegto muddo lix bilood ah ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka, iyadoo ay suurtogal tahay inay xilli ciyaareed kale ku darsato.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close