Tartanka Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir oo Galabta ka furmaya Muqdisho

(Muqdisho) 25 Nof 2021. Waxaa galabta lagu wadaa in shucladdiisa laga daaro garoonka Eng. Yariisow tartanka degmooyinka iyo Deeganda Gobolka Banaadir.

Caadiyan tartankan sanadihii la soo dhaafay waxaa ka qeyb gali jiray 17-degmo, balse sanadkaan waxaa lagu soo kordhiyay saddex deegaan oo dagmo sugayaal ah, kuwaas oo kala ah Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaleey.

Degmada Shanagaani oo sanadkan difaacaneysa tartanka degmooyinka ayaa nasiib u yeelatay in lagu daah furo tartanka maanta, iyadoo wajihi doonta degmada Warta Nabadda.

Shangaani ayaa sanadkii ugu dambeeyay ku guuleysatay tartanka degmooyinka gobolka Banaadir kaddib markii ay 2-0 ugu adkaatay degmadii bandhigga cajiibka ku jirtay ee Cabdicasiis.

Labada degmo ee kala ah; Warta Nabadda iyo Shangaani ayaa diyaar garow adag u galay kulanka furitaanka tartanka degmooyin iyo deeganada Gobolka Banaadir, labada degmo ayaana ku kala jira Guruubka A iyo Guruubka B.

Tartankan waxaa ka soo baxa xiddigo waxbad leh kuwaas oo nasiib u yeesha inay matalaan xulka Qaranka Soomaaliya, tusaalaha ugu weyn ayaana ah Feysal Xaashi uu ku soo baxay degmada Warta Nabadda, Baanuu oo ka soo aflaxay degmada Hiliwaa, Farxan Xiddig oo ka soo iftiimay degmada Howl-wadaag iyo xiddigo kale oo caan ah oo ka soo baxay tartankan.

Sanadkan isku aadka waxaa loo sameyay Afar Group oo ay kuwada jiraa min shan Degmo, waxaadna ka arki kartaa sawirka hoose:-

Ogeysiis Ciyaarta:-

Tartanka: Degmooyinka iyo deggannada G/Banaadir

Kooxaha: Shangaani vs Warta Nabadda

Garoonka: Eng: Yariisow Stadium

Saacadda: 3:30 Galabnimo

Qiimaha Garoonka: Lacag La’aan

Jawiga: 29° /31°C

Waxaa Diyaariyay: Cabdifitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close