“Tani waa sababta uu Messi ugu dhow yahay inuu ku guuleysto Ballon d’Or” – Henry

(Paris) 25 Nof 2021. Xiddigii hore kooxaha Arsenal iyo Barcelona, ee Thierry Henry ayaa muujiyay fikirkiisa ku aadan xaq u lahaanshaha Lionel Messi inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or.

Magaca Messi ayaa ka dhex muuqda magacyo badan oo u sharaxan ku guuleysiga abaal-marinta Ballon d’Or ee 2021, kaddib markii uu xulkiisa qaranka Argantina ku hoggaamiyay inuu ku guuleysto Copa America markii ugu horreysay tan iyo 1993-kii.

Shabakada sportskeeda ayaa shaacisay wareysi uu bixiyay Thierry Henry, waxaana uu muujiyay sida uu Lionel Messi ugu qalmo ku guuleysiga abaal-marinta Ballon d’Or ee 2021, wuxuuna yiri:

“Ma dhihi karo sidaas, sababtoo ah mar walba waxaan sheegaa waa in ciyaaryahan Faransiis ah uu ku guuleysto sababtoo ah waan u xeenayaa, waxaana doonayay in Benzema uu ku guuleysto.”

“Laakiin xaqiiqdii, waa Lionel Messi kan ku guuleysan doona, waxaan u maleynayaa inay taasi sabab u tahay inuu ugu dambeyntii Copa America la qaaday Argentina.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close