Manchester United oo wada-xaajood kula jirta macallin horraan laga ceyriyay Barcelona… (Waa kuma macallinkaas?)

(Manchester) 24 Nof 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa wali raadineysa baddelka macallinkii ay shaqada ka ceyrisay ee Ole Gunnar Solskjaer waxaana haatan lasoo warinayaa inay wada-xaajood macallinkii bilawgii 2020 laga ceyriyay Barcelona ee Ernesto Valverde.

What Ernesto Valverde has said about Manchester United amid interim manager  talks - Manchester Evening News

Sida laga soo xigtay BBC iyo The Guardian, Valverde ayaa xiriir ka helay maamulka ugu sarreeya Man United kuwaasoo doonaya inay si ku meel gaar ah kooxdooda ugu sii dhiibaan maadaama ay haatan ku adagtahay inay helaan baddel rasmi ah oo joogto noqon kara.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa isku raacsan in bartilmaameedka koowaad ee Red Devils uu yahay Mauricio Pochettino kaasoo dhowaan xaqiijiyay inuu ku faraxsan yahay diiraddana saarayo Paris Saint-Germain, sidaas darteed, kooxda ku ciyaarta Old Trafford ayaa ku fikireysa inay macallin joogto ah magacowdo xagaaga 2022 inta xilli ciyaareedka ka dhimanna ay Valverde u dhiibaan.

Si kastaba ha ahaatee, macallinka reer Spain oo shaqada Barca laga ceyriyay 11-kii January sanadkii 2020 ayaa baagamuundo ah haatan, waxaana dhowaan uu shaaciyay inuu diyaar u yahay kusoo laabashada diilinta tababareyaasha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close