Manchester United oo iska xaadirisay wareega 16-ka Champions League, xilli Sancho uu dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay… +SAWIRRO

(Villarreal) 23 Nof 2021. Cristiano iyo Sancho ayaa guul farta ka saaray Manchester United kaddib markii ay kaga soo adkaadeen kooxda Villarreal 0-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada Shanaad wareegga guruubyada ee tartanka Champions League. taasoo ka dhigtay in United-ka ay u gudubto wareega xiga ee 16-ka.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Villarreal iyo Manchester United ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 78-aad kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay weeraryahankooda Cristiano Ronaldo.

90 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Sancho oo caawin ka helay saaxiibkiis B. Fernandes ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester United.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-2 ay kaga soo adkaatay Manchester United, kooxda Villarreal oo ay booqatay, iyada oo guushan ay gaartay United-ka ay ka dhigtay inay u gudubtay wareega wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

SAWIRRO:

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close