Manchester United oo beddelka Paul Pogba ka dhex aragta Kooxda Barcelona… (Waa kee khadka dhexe ee ay ka doonayso Camp Nou?)

(Manchester) 23 Nof 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay beddelka laacibkeeda khadka dhexe ee Paul Pogba ka dhex aragto naadiga Barcelona.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingirisika ayaa warinaya in Manchester United laga yaabo inay tixgeliso inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong suuqa xagaaga ee 2022.

Iyadoo Paul Pogba uu qarka u saaran yahay inuu beeca xorta ah kaga tago garoonka Old Trafford, haddana Red Devils ayaa qarka u saaran inay suuqa ka raadiso laacib kale oo hal abuur leh shaqo fiicanna ka qaban kara khadka dhexe.

Man United ayaa xiddiga reer Holland ee De Jong u aragta beddelka saxda ah ee habboon booska Pogba haddii uu kooxda isaga tago.

Paul Pogba ayaa haatan ku jira soo kabashada dhaawac ka soo gaaray bowdada intii uu ku duga jiray tababarka xulkiisa qaranka Faransiiska.

Man United 'consider Frenkie de Jong as replacement for Paul Pogba' -  Flipboard

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close