Chelsea oo garaacday Juventus xilli Barcelona taako loo dhigay & guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray UCL… SAWIRRO

(Yurub) 23 Nof 2021. Kulammo ka tirsan wareegga guruubyada tartanka Champions League ayaa caawa laga ciyaaray garoommo kala duwan oo ku yaalla dalalka qaaradda Yurub.

Chelsea, Juventus, Barcelona, Bayern Munich, Manchester United, ayaa ugu madax fiiqnaa kooxaha caawa ka ciyaaray kulammada shanaad wareegga guruubyada ee tartanka Champions League.

Chelsea ayaa saddexda dhibcood kaga qaadatay garoonkeeda Stamford Bridge kooxda Juventus kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, waxaana goolasha Blues u kala dhaliyay xiddigaha kala ah Chalobah, James, Werner, iyo Hudson-Odoi.

Halka kooxaha Barcelona iyo Benfica ay ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah, kaddib ciyaaraad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka weyn ee Camp Nou.

Haddaba halkan hoose ka eeg natiijooyinka dhammaan kulammadii caawa laga ciyaaray wareega Gruubyada ee tartanka Champions League:

Group E –

Dynamo Kyiv 1-2 Bayern Munich

Barcelona 0-0 Benfica.

Group F –

Villarreal 0-2 Manchester United

Young Boys 3-3 Atalanta

Group G –

Lille 1-0 FC Salzburg.

Sevilla 2-0 Wolfsburg

Group H –

Chelsea `4-0 Juventus

Malmo FF 1-1 Zenit

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close