Ma ogtahay in xul uu ka fiican yahay xulkeenna Soomaaliya uu ka qeyb-galay isreeb-reebka Koobka Adduunka ee 2022?

(Yurub) 18 Nof 2021. Xul uu ka wanaagsan yahay xulkeenna Soomaaliya oo aad u liita ayaa ka qeyb-qaatay ciyaaraha isreeb-reebka loogu soo baxayo Koobka Adduunka ee Qatar 2022.
Waa xulka San Marino oo guuldarrada weyn kala kulmay xulka Ingiriiska oo kaga adkaaday 10-0, waxaana xulkaan aadka nooga hooseeya uu ku jiraa 210 heerka kala horreynta kooxaha ee FIFA.
San Marino waxa ay ku ciyaaraan garoonka Stadio Olimpico di Serravalle, kaasoo qaada 6,664 (Lix kun lix boqon lixdan iyo afar kun).
Yeelkeede, Soomaaliya heerka kala horreynta FIFA waxay iminka kaga jirtaa 195, garoonkeena Stadium Mogadishu, waxa uu qaadaa 65,000 (Lixdan iyo shan kun).
Xulka qaranka kubadda cagta San Marino waa kan ugu hooseeya heerka qiimeynta FIFA, iyagoo aan badin 31-kii ciyaar ee ugu dambeeyey, isla markaana waxa ay dhaliyeen 2 gool oo qura, waxaana laga dhaliyey 247 gool.
Haddaba kulammadaas iyo goolashii roobka looga dhigay halkaan hoose ka eeg:-
Russia 9–0 San Marino
San Marino 0–8 Norway
Germany 7–0 San Marino
San Marino 0–8 Germany
Croatia 10–0 San Marino Rijeka,
Switzerland 7–0 San Marino
San Marino 0–8 Ukraine
Ukraine 9–0 San Marino
San Marino 0–8 England
Netherlands 11–0 San Marino
Finland 8–0 San Marino
Hungary 8–0 San Marino
Czech Republic 7–0 San Marino
Slovakia 7–0 San Marino
Poland 10–0 San Marino
Slovakia 7–0 San Marino
Czech Republic 7–0 San Marino
San Marino 0–13 Germany
Belgium 8–0 San Marino
Belgium 10–1 San Marino
Israel 8–0 San Marino
Spain 9–0 San Marino
Austria 7–0 San Marino
Turkey 7–0 San Marino
San Marino 0–7 Russia
San Marino 1–7 England
San Marino 0–7 Netherlands
Norway 10–0 San Marino
Switzerland 7–0 San Marino
Belgium 9-0 San Marino
San Marino 0-10 England
Gool FM.