“Dib ayaan u soo celin doonaa Messi haddii aad saacado kooban isiisaan” – ayuu yiri Dani Alves oo isagoo dacas la’aan ah lagu soo bandhigay Camp Nou

(Barcelona) 18 Nof 2021. Dani Alves ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu soo bandhigay garoonka Camp Nou, isagoo cagocad ama kabo la’aan ah, waxaana uu ballan-qaaday inuu saacado kooban keeni doono kooxda Barcelona Lionel Messi haddii loo fasaxo oo uu shaqadaas loo diro.

Daafacan dadabka midig oo haatan 38 sano jir ah ayaa dib ugu soo laabtay Barcelona kaddib shan sanadood oo uu ka maqnaa, waxaana lagu soo bandhigay 10 kun oo taageerayaal ah hortooda, kuwaasoo goob-joog ahaa garoonka Camp Nou.

Sheekada yaabka leh waxay ahayd inuu dacaska iska siibay markii uu gudaha u galayay garoonka Camp Nou oo lagu soo bandhigayay, waxaana uu qandaraaska Barca saxiixa, isagoo cago-cad, isla markaana uu garab taagnaa Madaxweynaha Kooxda ee Joan Laporta.

Yeelkeede, waxyaabihii uu halkaasi kaga hadlay waxaa ka mid ahaa xiddiga xulka qaranka Argentine ee Lionel Messi oo uu sheegay inuu saacado gudahood ku soo celin doono kooxda Barcelona haddii loo ogolaado sida uu yiri:-

“Haddii aad dhawr saacadood isiisaan, waan u tegi doonaa oo aan keeni doonaa Messi, taariikh ayuu qoray, mar walbana waa la xasuusnaan doonaa.

“Waa ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee abid aan arkay amaba aanu isku kooxda noqonay.

“Mar walba waan tabaa xiddigaha wanaagsan, waana wax iska caadi ah, gaar ahaan marka aad xiriir wanaagsan leedihiin, heer sare ayay ahaan lahayd in aan halkaan ku arko markale.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close