10-ka dal ee Afrikaanka ah ee u soo baxay wareegga ugu dambeeya isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022 & Xulka Ivory Coast oo ka maqan

(Afrika) 18 Nof 2021. Waxaa soo dhammaystirmay tobanka dal ee Afrikaanka ah ee u soo baxay wareegga ugu dambeeya ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee lagu qabanayo dalka Qatar 2022, iyadoo uu ka maqan yahay xulka Ivory Coast.

Xulka qaranka Ivory Coast ayaa seegi doona markii labaad oo xiriir ah Koobka Adduunka kaddib markii kulankoodii ugu dambeeyey ay  guuldarro kala kulmeen dhiggooda Cameroon.

10-ka Waddanka ee Afrikaanka ah ee u soo baxay wareegga ugu dambeeya ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022 waxaa laga doonayaa kaliya shan dal oo Afrika ku matali doona Koobka Adduunka ee Qatar.

Haddaba halkaan hoose ka eeg tobanka dal ee Afrikaanka ah ee u soo baxay wareegga ugu dambeeya ee isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2022:-

1- Morocco

2- Senegal

3- Ghana

4- Egypt

5- Mali

6- DR Congo

7- Nigeria

8- Algeria

9- Cameroon

10- Tunisia

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close