Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo ku loollamaya laacib ka ciyaara horyaalka Talyaaniga

(Madrid) 16 Nof 2021. Kooxdaha reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa la soo warinayaa inay ku loollamayaan saxiixa laacib ka ciyaara horyaalka Serie A-da Talyaaniga.

Warsidaha Calcio Mercato ee Talyaaniga ka soo baxaya ayaa warinaya in Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ay ku loollamayaan saxiixa laacibka khadka dhexe ee Naadiga Napoli, Eljif Elmas.

22-sano jirkaan ayaa heshiiskiisa haatan waxa uu ku eg yahay sanadka 2025-ka, waxaana uu haatan hoos uga dhacay xulasha safka hore ee Tababare Luciano Spaletti xilli ciyaareedkan.

Elmas ayaa laga yaabaa in laga yaabaa inuu u dhaqaaqo dalka Spain, iyadoo Kooxda Real iyo Barca ay ku dagaalami doonaan saxiixiisa marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga xiddigaha.

Napoli'de Eljif Elmas attı, 3 puan geldi

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close