Ed Woodward oo wada-xaajood kula jira Manchester United isagoo horraan isaga casilay xilkii uu u hayay… (Maxay haatan uga baahan yihiin?)

(Manchester) 09 Nof 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay wada-xaajood kula jirto agaasimaheeda fulinta ee Ed Woodward kaasoo bishii April ay kooxdu shaacisay inuu xilka iska casilay isla markaana uu dhammaadka sanadkan ka dagi doono kursiga.

Hase ahaatee, sida haatan laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, Man United ayaa kala xaajooneysa Woodward inuu qabto door kale oo ah hoggaanka la talinta maamulka ugu sarreeya kooxda.

Inkastoo uu wada-hadal u socdo kooxda Red Devils iyo agaasimaheeda fulinta, waxaa la filayaa inaysan arrintaan suuro gelin maadaama aysan taageerayaasha naadiga dooneyn inay Woodward kusii arkaan mid ka mid ah xafiisyada Old Trafford.

Woodward oo xilka agaasimaha fulinta qabtay sanadkii 2012 ayaa ku guuldarreystay inuu kooxda usoo gacan galiyo horyaalka Premier League marka laga reebo midkii ay sanadkiisii koowaad ee xukunkiisii qaadday markaas oo uu ku hoggaamiyay Sir Alex Ferguson oo kooxda leylinayay fasalkiisii ugu dambeeyay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close