Manchester City oo qayb kasoo noqotay dagaalka xooggan ee loogu jiro saxiixa xiddig ka tirsan Juventus kaasoo ay doonayaan Chelsea iyo Barca

(Manchester) 08 Nof 2021. Qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaaradda Yurub oo ay ku jiraan Chelsea iyo Barcelona ayaa xiiseynaya xiddiga difaaca dhexe uga ciyaara kooxda kubadda cagta Juventus ee Matthijs de Ligt, waxaana haatan kusoo biirtay kooxda Manchester City.

Chelsea 'hold talks over Matthijs de Ligt transfer with agent Mino Raiola  looking to get 22-year-old out of Juventus'

Sida laga soo xiganayo wargeyska Taliyaaniga kasoo baxa ee Calciomercato, kaasoo isna xiganaya Fichajes, Difaaca xulka qaranka Netherlands ayaa ka gadoodsan waqti-ciyaareedkiisii Juve oo yaraaday isla markaasna uu doonayo ka tagista Turin.

Dhinaca kale, Man City ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato difaac dhexe oo heer sare ah iyadoo Tababare Pep Guardiola uu dareensan yahay inuu xagaaga soo aaddan safkiisa difaaca dhexe boos ka bannaanaan doono maadaama uu hayaami doono Nathen Ake.

Qandaraaska 22-sano jirkan uu kula jiro Bianconeri ayaa xagaaga soo aaddan lagu jebin karaa 150 milyan oo euro, waxaana wakiilkiisa Mino Raiola uu diyaar u yahay inuu kabtankii hore ee Ajax u raadiyo naadi cusub xilli uu wada-xaajood hoose la sameeyay kooxaha reer England iyo Barca.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close