RASMI: Barcelona oo xaqiijisay xanuunka wadnaha ka haleelay Sergio Aguero & Bilaha ay qaadaneyso soo laabashadiisa

(Barcelona) 02 Nof 2021. Naadiga Barcelona ayaa wareer kale kala kumeysa xaaladda weeraryahankeeda Sergio Aguero kaddib markii uu xanuun wadnaha ka qabtay intii ay socotay ciyaartii Deportivo Alaves ee Sabtidii, waxayna kooxdu haatan xaqiijisay in laacibka uu la kulmay xanuunka arrhythmia ee ah yaraanta garaaca wadnaha sidaas darteedna uu garoommada ka maqnaan doono muddo saddex bilood ah.

“Ciyaaryahanka waxa uu maray baaritaan iyo dabiib uu sameeyay Diktoor Josep Brugada waxaana uu maqnaan doonaa saddexda bilood ee soo socota iyadoo dardar gelinta soo kabashadiisa la qiimeyn doono” ayuu u qornaa bayaan ay soo saartay Barca.

Halyeyga Manchester City ayaa dalbaday in laga saaro kulankii horyaalka asbuucan daqiiqaddii 40-aad kaddib markii uu awoodi waayay inuu u neefsado sidii caadiga ahayd taasoo keentay in isbitaalka lagu haayo maalmihii Axadda iyo Isniinta.

Si kastaba ha ahaatee, waa dhabar jab kale oo ku yimid Aguero iyo waayihiisa Blaugrana maadaama kulammadii hore ee xilli ciyaareedkan uu garoommada kaga maqnaa dhaawac kubka kasoo gaaray.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close