RASMI: Antonio Conte oo loo magacaabay macallinka cusub ee kooxda Tottenham

(London) 02 Nof 2021. Kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Antonio Conte ay ka dhigtay macallinkeeda xiga.

Image

Spurs ayaa dhowaan shaqada macalinnimada ka ceyrisay Nuno Espirito Santo, waxaana sidii la filayay ay baddelkiisa u dooratay Conte kaasoo shaqo la’aan ahaa tan iyo dhammaadka xilli ciyaareedkii hore markaas oo uu Inter Milan isaga tagay shaqadeeda isagoo kula guuleystay horyaalka Serie A.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyaha Taliyaaniga ah oo kusoo laabtay horyaalka Premier League saddex sano kaddib ayaa isla London ku sugnaan doona illaa iyo June 2023 sida ay ku wada heshiiyeen isaga iyo Tottenham.

Conte ayaa horraan kasoo shaqeeyay kubadda cagta Ingiriiska isagoo macallin u ahaa Chelsea intii u dhexeysay 2016 illaa 2018 markaas oo uu kula guuleystay horyaalka iyo FA Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close