Paris Saint-Germain oo hoggaanka u qabatay kooxaha doonaya Paul Pogba iyo Mino Raiolo oo…

(Paris) 02 Nof 2021. Qaar ka mid ah kooxaha ugu waaweyn kubadda cagta qaaradda Yurub ayaa isku garbinaya inay bilaash ku helaan xagaaga dambe xiddiga Manchester United khadka dhexe kaga ciyaara ee Paul Pogba.

Man United ayaa ku guuldarreysatay inay heshiiska u kordhiso Pogba maadaama uu ku jiro xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay heshiiskiisa sidoo kalena uu xor noqon doono bisha June ee sanadka dambe.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo ay Real Madrid sanado badan xiiso u muujineysay kubbad sameeyaha Faransiiska ah, warsidaha Fichajes ayaa sheegay Paris Saint-Germain inay tahay kooxda ugu cad-cad ee heli karta 28-sano jirkan.

Wargeyska ayaa intaas ku daray inay maamulka PSG qaar ka mid ah ay si hoose ula xiriireen wakiilka Pogba ee Mino Raiola xilli wixii ka dambeeya 1-da January ee 2022 ay kooxaha ka dhisan bannaanka England si toos ah ula gaari karaan heshiis horudhac ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close