Muxuu ka yiri Guardiola kulanka la wada sugayo ee Manchester derby?

(Manchester) 02 Nof 2021. Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa aaminsan in kulanka kooxda Club Brugge uu muhiim u yahay Cityzens marka loo eego kulanka ay la ciyaari doonaan Manchester United.

Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium ku soo dhawayn doonta kooxda Club Brugge ciyaar ka tirsan kulammada 4-aad ee wareega Group-yada tartanka Champions League.

Wargeyska Daily Mail ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola kahor kulanka Club Brugge, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan u maleynayaa in kulankaan uu aad uga muhiimsan yahay kulanka Man United.”

“Kulankan waxa uu na siinayaa fursad weyn oo aan ugu soo bixi karno wareegga 16-ka ee tartanka UEFA Champions League.”

“Premier League-ga waxaa jira kulammo badan, Champions League waa lix kulan oo kaliya, mana jiraan kuwo badan oo ka haray.”

Si kastaba ha ahaatee, Manchester City ayaa marti galin doonta Man United kulan ka tirsan Isbuuca 11-aad ee horyaalka premier League sabtida soo socota.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close