Luis Suarez oo sheegay sababtii uu ugu biiri rabay Arsenal & qofka ka hor istaagay inuu xilligaas u dhaqaaqo Emirates

(Madrid) 02 Nof 2021. Laacibka kooxda Atletico Madrid ee Luis Suarez ayaa shaaciyay inuu ku dhowaaday ku biirista naadiga Arsenal xagaagii 2013 markaas oo uu ka tirsanaa Liverpool iyadoo uu ku sababeeyay inuu doonayay ciyaarista tartanka Champions League, Gunners-na ay ka qayb galeysay tartankaas.

Suarez ayaa doonayay inuu ka tago Reds kahor xilli ciyaareedkii 2013-14 markaas oo kooxdiisa kasoo laabatay xilli ciyaareed ay ku dhammeysatay booska toddobaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League sidaas darteedna ay uga qayb gali weysey tartanka horyaallada Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka reer Uruguay oo hoosta ka xarriiqay inuu Brendan Rodger ku qanciyay xagaagii 2012 inuu kooxda kusoo celinayo tartanka Champions League sidaas darteedna uu iska dhaafo ku biirista kooxda London ka dhisan ayaa yiri: “Sanadkaas ma uusan noqon sidaa rabnay, balse fikradaha wey soo iftiimayeen, kaddib xilli ciyaareedkii 2012-13 waxaan rabay inaan ku biiro Arsenal, inay Champions League ciyaareyso ayaana ku dooranayay”.

34-sano jirka Atletico u ciyaara ayaa sidoo kale wareysigii uu siiyay hillinka Uefa ku sheegay inay maamulka Liverpool ku qanciyeen inuu sii joogo Anfield iyagoo iska diiday dalabkii 40-ka milyan ee gini ahaa ee ka yimid Gunners, waxaana xilli ciyaareed kaddib uu ku biiray Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close