Liverpool iyo Arsenal oo qayb ka ah SHAN naadi oo wada doonaya xiddiga Real Madrid ee Marco Asensio

(Madrid) 02 Nof 2021. Kaddib markii uu la haray dhaawac kasoo gaaray jilibka, Marco Asensio ayaa lumiyay miisaankii iyo booskii uu ku lahaa shaxda koowaad ee naadiga Real Madrid taasoo keentay in shaki weyn uu soo galo mustaqbalkiisa.

Suxufiga ka faallooda suuqa kala iibsiga ee Eduardo Inda ayaa isagoo la hadlayay barnaamujka El Chiringuito sheegay in kooxaha Liverpool, Arsenal, AC Milan, Juventus iyo Borussia Dortmund ay wada xiiseynayaan xiddiga Asensio.

25-sano jirka reer Spain ayaa kaliya saddex kulan kusoo bilawday dhammaan tartammada xilli ciyaareedkan iyadoo sidoo kale siddeed ciyaarood uu baddel kusoo galay, waxayna taas shaki gelisay mustaqbalkiisa xilli qandaraaskiisa uu dhici doono 2023.

Si kastaba ha ahaatee, suxufiga Isbaanishka ah ayaa sheegay in xirfadda iyo hibada laacibkan ay daneynayaan qaar kaa mid ah kooxaha waaweyn ee qaaradda Yurub oo ay ku jiraan shanta uu carrabka ku dhuftay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close