Horudhac: Manchester City vs Crystal Palace… (Pep Guardiola oo kulankiisii 200-aad ee Premier League hoggaamin doona Citizens iyo rikoorkiisa kulammadii hore)

(Manchester) 30 Okt 2021. Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa galabta garoonkeeda kula balansan naadiga Crystal Palace ciyaar ka tirsan isla horyaalka iyadoo Man City ay raadineyso fursad ay hoggaanka horyaalka kula wareegi karto haddii ay guuleysato misena ay dhibco lumiyaan kooxaha ka sarreeya ee Chelsea iyo Liverpool.

Kooxda Macallin Pep Guardiola hoggaamiyo ayaa booska saddexaad kula jirta 20 dhibcood, waxayna labo dhibcood u jirtaa hoggaanka horyaalka maadaama Blues ay leedahay 22 dhibcood, dhinaca kale, kooxda Palace ayaa ku jirta kaalinta 15-aad ee kala sarreynta horyaalka iyadoo leh keliya sagaal dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 05:00 Galabnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Etihad

Garsooraha: Andre Marriner (England)

Wararka Kooxaha:

Citizens macallinkeeda Guardiola ayaa heli kara saf xooggan maadaama uu soo laabtay Raheem Sterling, waxaana kaliya kooxdiisa ka maqan Ferran Torres oo dhaawac qaba.

Geesta kale, Wilfried Zaha ayaa usoo laabtay naadiga Crystal Palace balse waxaa safkeeda diyaar ku ahayn labada xiddig ee kala ah Eberechi Eze iyo Nathan Ferguson.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool:-

Guuldarrada qura ee Man City kasoo gaartay Crystal Palace iyadoo horyaalka la ciyaareysa 12-kii is arag ee ugu dambeysay waxay timid December 2018, waxayna guuleysatay sagaal guul iyadoo ay labo barbarro galeen.

Sky Blue ayaa garaacday kooxda lagu naaneyso The Eagles labadii kulan ee xilli ciyaareedkii hore, iyadoo dhalisay lix gool misena wax gool ah laga dhalin.

Manchester City

Manchester City oo kaliya saddex kulan gool looga dhaliyay horyaalka Premier League ayaanan wali gool looga dhalin garoonkeeda horyaalka xilli ciyaareedkan.

Kevin De Bruyne ayaa si toos ah sagaal gool ugu lug yeeshay 11-kii kulan ee uu horyaalka kaga hor tagay Crystal Palace isagoo dhaliyay labo gool halka uu toddobo kalena caawiyay.

Kulankan ayaa noqon doona midkii 200-aad ee uu Guardiola Man City hoggaamiyo horyaalka Premier League iyadoo 146 guul uu gaaray 199-kii kulan ee hore, waana macallinka ugu guulaha badan horyaalka Ingiriiska kulammada intaas la eg.

Crystal Palace

Palace ayaa barbarreyn karta rikoorka shan barbarro oo xiriir ah iyadoo saddex jeer hore u sameysay sidan balse waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee heerka koowaad ka sameyso.

10 ka mid ah 11-ka gool ee ay The Eagles ka dhalisay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ayaa yimid qaybta labaad ee kulanka, goolka ka dhaliya ee ay dhalisay qaybta horena waxa uu yimid daqiiqadahii lagu daray.

Patrick Vieira ayaa waayihiisa ciyaareed kusoo gaba-gabeeyay Manchester City isagoo dhaliyay saddex gool 28 kulan oo uu Premier League u saftay.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close