Rayo Vallecano oo garoonkeeda Estadio de Vallecas saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Barcelona… +SAWIRRO

(Spain) 27 Okt 2021. Rayo Vallecano ayaa garoonkeeda Estadio de Vallecas saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Barcelona, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, kulan ka tirsanaa hryaalka La Liga ee dalka Spain

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Rayo Vallecano.

Daqiiqadii 30-aad kooxda Rayo Vallecano ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Radamel Falcao kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Óscar Trejo.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 ay kaga adkaatay Rayo Vallecano, kooxda Barcelona oo ku soo booqatay garoonka Estadio de Vallecas, taasoo ka dhigtay in Barca ay la kulantay guuldarradii labaad xiriir ah horyaalka La Liga kaddib kulankii El Clasico ee naadiga Real Madrid.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close