RASMI: Barcelona oo shaacisay dhaawaca Ansu Fati… (Sidee wax usoo gaareen?)

(Barcelona) 27 Okt 2021. Dhowaan ayay ahayd markii uu dhaawac ku dhowaad sanad qaatay kasoo laabtay weeraryahanka Barcelona ee Ansu Fati, hase ahaatee, akhbaar aanan wanaagsaneyn ayaa soo gaaray taageerayaasha Barca kaddib markii ay kooxdu shaacisay inuu dhaawac cusub la xanuunsanayo xiddigan.

Barcelona: Ansu Fati ruled out of Barcelona's game against Granada | Marca

Waaxda caafimaadka naadiga Barcelona ayaa goor dhow shaacisay in Fati uu xanuun daran ka dareemayo jilibkiisa midig sidaas darteedna uusan diyaar u ahayn inuu macallinkiisa Ronald Koeman u xusho kulanka caawa ee Rayo Vallecano.

Weli faah-faahin dheeraad ah kama soo bixin kooxda reer Spain, waxaana la filayaa inay maanta soo saarto war faah-faahsan oo la xiriira dhaawaca 18-sano jirka reer Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close