Mino Raiola oo la weydiiyay mustaqbalka xiddiga Man United ee Paul Pogba… (Muxuu ku jawaabay?)

(Manchester) 27 Okt 2021. Wali waxa uu shaki badan ku hareersan yahay mustaqbalka xiddiga Manchester United khadka dhexe kaga ciyaara ee Paul Pogba kaasoo dhammaadka xilli ciyaareedkan beeca xorta ah kaga tagi kara kooxdiisa maadaama uu dhacayo qandaraaskiisa.

Mino Raiola oo xiddigan wakiil u ah ayaa sheegay inaysan wax cusub kasoo kordhin mustaqbalka Pogba sidaas darteedna ay tahay in wax laga weydiiyo Man United.

Isagoo la hadlayay The Times ayuu Raiola yiri: “Waxay ahayd inaad weydiisaan Manchester United, wax walba way deggan yihiin, wax cusubna ma jiraan.”

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo ay dhowaanahan aamusneyd xanta la xiriirta mustaqbalka xiddiga reer France, ayaa haddana waxaa jira warar dhowr ah oo sheegay inay Red Devils u diyaarisay 28-sano jirkan qandaraas cusub oo ay toddobaadkii mushahar ahaan ugu siineyso 400 kun oo gini.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close