Ma dhab baa inay Barcelona ku taammeyso magacaabista Jurgen Klopp?

(Barcelona) 27 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay ku hammineyso inay tababare ka dhigato macallinka hoggaamiya Liverpool ee Jurgen Klopp, balse wararka la xiriira arrimahaas ayaa sheegaya inay Barca rajo fiican ka laheyn inay Klopp hantiso.

Kooxda ka dhisan Catalonia ayaa haatan bandhig liita ku hoos qaadaneysa Ronald Koeman waxayna kaalinta sagaalaad ka fadhisaa kala sarreynta horyaalka dalka Spain ee La Liga, hase ahaatee inay Koeman ku baddesho Klopp ayaanan ku xirneyn ceyrinta midka reer Netherlands hase ahaatee, ay ka fikireyso xilliga ay heli karto Klopp.

Wargeyska Isbaanishka ah ee Sport ayaa sheegay inay maamulka Blaugrana macallinka Jarmalka ah u aragto hoggaamiyaha sida dhabta ah ugu qalma maamulka kooxdooda, waxaase caqabad ku ah heshiiska uu Klopp kula jiro Reds oo dhacaya 2024.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira macallimiin kale oo lala xiriirinayo inay mustaqbalka dhow baddeli karaan Koeman haddii la ceyriyo waxaana ku jira Andrea Pirlo, Xavi Hernandez, Erik Ten Hag iyo Roberto Martinez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close