Wixii uu Carlo Ancelotti ku yiri Ronald Koeman kaddib dhammaadka kulankii El Clasico oo shaaca laga qaaday

(Barcelona) 26 Okt 2021. Wargeyska Spanish-ka ah ee Marca ayaa shaaca ka qaaday wixii uu tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti dhegta ugu sheegay Macallinka Barcelona ee Ronald Koeman kaddib markii uu soo dhammaaday kulankii El Clasico ee Axaddii la soo dhaafay.

Real Madrid ayaa guul ay u qalantay ka soo qaadatay kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona kulan ku dhammaaday 2-1, waxaana ay kordhiyeen farqiga shanta dhibcood ee u dhexeeya iyaga Barca, waana kulan aysan soo bandhigin labada kooxood heerkii laga filayey xitaa haddii ay ahayd wax laga sheekeeyo.

Tababaraha reer Talyaani ayaa garab istaag weyn u muujiyey  Ronald Koeman, kaasoo xilli ciyaareedkan ku jira waqtiyo adag oo kooxda Barcelona ah, waxaana la hadal hayaa suurtagalnnimada in shaqada laga ceyrin karo natiijo xumo awgeed, iyadoo ay si joogto ah u dhaleeceynayaan saxaafadda iyo taageerayaasha.

Wargeyska ayaa wuxuu warbixintiisan ku caddeeyey Ancelotti uu dabaal-degay kaddib markii uu garsooraha seeriga ka dhawaajiyey dhammaadkii ciyaarta, waxa uu toos u aaday Ronald Koeman, isagoo ku yiri: “Waa shaqo aad u adag waxaana waajib kugu ah inaad sii waddo.”

Ancelotti ayaa sidoo kale xushmad weyn u muujiyey Macallin Ronald Koeman iyo Barcelona inkastoo ay jiraan daruufo adag oo ay ku jiraan waqtigan, hadda waxa uu yiri ciyaarta kaddib: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku guuleysto El Clasico, sababtoo ah waa kulanka ugu muhiimsan, marnaba ma ahayn ciyaar fudud, marka waan ku faraxsanahay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close