Wargeys kasoo baxa Ingiriiska oo daaha ka rogay inay Man United dooneyso afar macallin oo ay ku baddaleyso OGS… (Miyey Zidane iyo Conte ku jiraan?)

(Manchester) 26 Okt 2021. Macallimiinta shaqo la’aanta ah ee Zinedine Zidane iyo Antonio Conte ayaa ka mid ah macallimiinta sida aadka ah loola xiriiriyo baddelka macallinka Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer, hase ahaatee, wargeyska The Sun ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa haatan baahiyay inay Man United afar macallin diiwaanka ku qoratay si ay ugu baddesho tababaraheeda.

Wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira naadiga Old Trafford ku ciyaarta ayaa sheegayay inay Red Devils ka fikireyso ceyrinta tababaraheeda Solskjaer kaasoo cadaadis badan saaran yahay kaddib bandhigga liita ee kooxda sameyneyso xilli maalmihii dambe oo ay ugu dambeysay guuldarradii garoonkeeda kaga soo gaartay Liverpool markaasoo 5-0 lagu xasuuqay.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska ayaa sheegay inay macallimiinta kala ah Zidane iyo Conte ayaa ugu horreeyay shaqsiyaadka ku qoran diiwaanka Manchester United ay ku dooneyso macallinkeeda xiga inay kasoo xulato, waxaana sidoo kale jira macallinka Leicester City ee Brendan Rodgers iyo hoggaamiyaha Ajax ee Erik Ten Hag.

Tababarihii dhammaadka xilli ciyaareedkii hore ka tagay Inter Milan ayaa ah midka ugu taariikhda wanaagsan gudaha Ingiriiska marka lala barbadhigo saddexda macallin ee kale, isagoo ku guuleystay Premier League sanadkii 2017 markaas oo uu hoggaaminayay Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close