Miyuu Macallin Zinedine Zidane xiiseynayaa shaqada Tababarenimo ee Kooxda Manchester United?

(Manchester) 26 Okt 2021. Waxaa xog laga helay haddii Macallin Zinedine Zidane uu xiiseynayo qabashada shaqada tababarennimo ee Kooxda Manchester United.

Macallinkii hore ee Kooxda Real Madrid, Zinedine Zidane ayaan doonaynin shaqada Naadiga Manchester United iyo inuu beddel u noqdo Tababare  Ole Gunnar Solskjaer sida ay shaacisay ESPN.

Zinedine Zidane ayaan xiiso u qabin inuu macallin u noqdo Manchester United haddii uu kooxda ka dhaqaaqo Ole Gunnar Solskjaer sida uu shabakadda ESPN u sheegay Julien Laurens.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa la warinayaa in laga ceyrin doono shaqada Kooxda Manchester United kaddib guuldarradii 5-0 oo ay kala kulmeen Liverpool, iyadoo lagu ciyaarayay garoonka Old Trafford.

Waxaa kale oo macallinka reer Norway lumiyey kalsoonida qolka labiska iyadoo xiddigo waa weyn ay ka soo horjeesteen Ole, taasoo keentay in maamulka Man United ay ka fikiraan inay iska cayriyaan.

Zidane iyo Conte ayaa ka mid ahaa tababareyaasha la la xiriirinayey shaqada Kooxda Manchester United, laakiin macallinkii hore ee Real Madrid Zidane ayaa la warinayaa haatan inuu iska diiday inuu u dhaqaaqo Old Trafford, isla markaana uusan xiiseynayn inuu  maamulo Red Devils.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close