Waa kee ciyaaryahanka uu Macallin Jose Mourinho ka doonayo inuu kala soo wareego kooxdiisii hore ee Real Madrid?

(Rome) 25 Okt 2021. Macallin Jose Mourinho ayaa la soo warinayaa inuu ciyaaryahan khadka dhexe ah ka doonayo Kooxdiisii hore ee Real Madrid.

Warsidaha El Nacional ayaa warinaya in Macallin Jose Mourinho uu doonayo inuu kooxdiisii hore ee Real Madrid kala soo wareego Dani Ceballos oo uu keensado Naadiga Roma.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Spain ayaa sidoo kale kooxaha xiiseynaya waxaa ka mid ah kooxdiisii hore ee Real Betis, laakiin ma awoodi karto inay bixiso qiimaha lagu rabo ciyaaryahan oo ah 20 milyan oo euro oo u dhiganta 17 milyan oo gini ama 23 milyan oo dollar.

Kooxda reer Talyaani ee Roma ayaa ku jirta boos fiican oo ay ku heli karto Ceballos, kaasoo xagaagii ku soo laabtay Real Madrid kaddib labo sano oo amaah ah oo uu ku joogay Arsenal.

Tababare Jose Mourinho ayaa kooxda Real Madrid majaraha u hayey intii u dhexeysay sanadkii 2010-kii illaa 2013-kii.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close