Saddexda kooxood ee midkood uu ku biiri doono daafaca Chelsea ee Antonio Rudiger oo daaha laga rogay

(London) 25 Okt 2021. Antonio Rudiger ayaa la soo warinayaa in wadahadallo la bilaabay saddex kooxood oo uu midkood ku biiri doono sida warbixinta lagu sheegay.

Daafaca Jarmalka ah ayaa beeca xorta ah xagaagan kaga tagi kara Chelsea, waxaana la warinayaa inuu wadahadallo la bilaabay  Manchester City, Tottenham iyo Juventus.

Suxufiga Gianluca Di Marzio ayaa warinaya in Antonio Rudiger uu wadahadallo la bilaabay Kooxaha Manchester City, Tottenham iyo Juventus, isla markaana uu midkood ku biiri doono haddii uu ka tago The Blues.

Daafaca Chelsea ayaa heshiiskiisa waxa uu ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan kooxo waa weyn ayaana saf ugu jira saxiixiisa, waxaana sidoo kale kooxaha xiiseynaya ka mid ah Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close