Mohamed Salah oo mushahar waalli ah ka doonaya Kooxdiisa Liverpool… (Imise ayuu rabaa inuu todobaadkii ka qaato?)

(Liverpool) 25 Okt 2021. Weeraryahanka reer Masar ee Mohamed Salah ayaa la soo warinayaa inuu mushahar waali ah ka doonayo kooxdiisa Liverpool.

Salah ayaa wahadal heshiis kordhin ah kula jira kooxda ka arrimisa garoonka Anfield, balse waxaa la warinayaa inuu ka doonayo mushahar dhan 500,000 oo gini todobaadkii.

Football Insider ayaa sheegaysa in Mohamed Salah uu dalbanayo mushahar dhan 500,000 oo gini todobaadkii si uu heshiiska cusub ugu saxiixo kooxda Liverpool.

Xiddiga reer Masar ayaa heshiiskiisa haatan waxa uu ku eg yahay sanadka 2023-ka, Reds ayaa doonaysa inay xiddigan heshiis cusub hordhigto, iyadoo la soo warinayo inuu xiiso ka helayo kooxda Real Madrid.

Salah ayaa sheegay inuu doonayo inuu arko isagoo ka sii ciyaaraya Liverpool, laakiin waxa uu rabaa in marka hore laga dhigo kan ugu mushaharka badan kooxda.

Mohamed Salah ayaa xalay saddexleey ugu shubay Manchester United kulankii ku qabsoomay garoonka Old Trafford oo ay Liverpool ku soo adkaatay 5-0, waxaana uu noqday Afrikaanka ugu goolasha badan taariikhda Premier League, isagoo haatan sii maraya 107 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close