Kooxda Barcelona oo go’aasatay inay iska iibiso Sergino Dest… (Sidee wax u jiraan?)

(Barcelona) 25 Okt 2021. Sida wararku ay sheegayaan Kooxda kubadda cagta Barcelona aya go’aansatay inay iska iibiso ciyaaryahankeeda Sergino Dest.

Warbixin dhowaan soo baxday ayaa sheegaysa in Sergino Dest uu wajahayo in laga diro kooxda Barcelona mustaqbalka dhow.

Warsidaha El Nacional ayaa warinaya in xiddiga xulka qaranka Mareyskanka ay kooxdu ku tilmaamtay inuu yahay mid la iibin karo, sababo la xiriira qaab ciyaareedkiisa liita.

Dest ayaa qaab ciyaareed liita soo bandhigay kulankii ugu dambeeyey ee El Clasico oo ay Barcelona guuldarro 1-2 kala kulantay Kooxda Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close