Kaddib tagitaankii Sergio Ramos, Real Madrid oo xagaagii labaad oo xiriir ah weyneyso HALYEY kaddib markii uu Marcelo sheegay inuu…

(Madrid) 25 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa suuqii xagaagan si bilaash ah ku lumisay kabtankeedii Sergio Ramos kaasoo ka mid ah halyeeyadeeda ugu taariikhda wanaagsan, waxaana ay xagaagan qarka u saaran tahay inay weyso Marcelo.

Kabtanka Los Blancos ee haatan ayaa u sheegay kooxdiisa inuu ka tagayo dhammaadka xilli ciyaareedkan sida uu wariyay wargeyska El Nacional.

33-sano jirka difaaca bidix ka ciyaara ayaa ka cago-jiidaya inuu qalinka dul dhigo qandaraas cusub iyadoo heshiiskiisa haatan uu dhici doono dhammaadka bisha June ee sanadka 2022 taasoo la micno ah inuu bilaash ku tagi karo xagaaga soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa intaas ku daraya inuu Marcelo qorsheynayo ku laabashada dalkiisa Brazil iyadoo si gaar ah loola xiriirinayo naadiga Fluminese.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close