Iska illow Madrid, Bayern ama PSG, Antonio Rudiger oo wada-xaajood kula jira saddex naadi oo hor leh… (Labo ka mid ah Premier League ayay ka ciyaaraan)

(London) 25 Okt 2021. Suuqa xagaaga soo aaddan, naadiga Chelsea ayaa qarka u saaran inay lumiso mid ka mid ah difaacyadeeda ugu wanaagsan xilligan iyadoo shaki weyn la gelinayo mustaqbalka difaaceeda Antonio Rudiger.

Qandaraaska xiddiga xulka qaranka Germany ayaa dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedkan waxaana suuqa xagaaga soo aaddan lagu heli karaa beeca xorta ah iyadoo sidoo kale uu heshiis horudhac ah la gaari karo kooxaha doonaya kaddib 1-da bisha January ee 2020.

Suxufiga Taliyaaniga ah ee Gianluca Di Marzio ayaa sheegay inuu Rudiger wada-xaajood kula jiro kula jiro kooxaha Manchester City, Tottenham iyo Juventus kuwaasoo goor dhow kusoo biiray doonista xiddigii hore ee AS Roma.

Si kastaba ha ahaatee, kooxaha Real Madrid, Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain ayaa dhammaantood doonaya 28-sano jirkan iska diiday inuu qandaraas cusub u saxiixo Blues.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close