Real Madrid oo guul ka soo gaartay Barcelona kulankii la wada sugayay ee El Clásico… +SAWIRRO

(Barcelona) 24 Okt 2021. Real Madrid ayaa guul ka soo heshay Barcelona kulankii la wada sugayay ee El Clásico, kaasoo ka dhacay garoonka Camp Nou kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Real Madrid.

Daqiiqadii 32-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay David Alaba kaddib markii ay caawin kaga timid da’ayarka reer Brazil Rodrygo.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90 + 4 Real Madrid ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 0-2 ka dhigay ciyaarta Lucas Vázquez.

Laakiin daqiiqadii 90 + 7 kooxda Barcelona ayaa dhalisay gool waxaana 1-2 ka dhigay ciyaarta Sergio Agüero kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Sergiño Dest.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Real Madrid kooxda Barcelon oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, kulankan ayaana  qeyb ka ahaa Isbuuca sagaalaad horyaalka ee xilli ciyaareedkan, xilli Los Blancos aay hoggaamineyso miiska kala sareynta La Liga.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close