Manchester City oo xiddig muhiim ah ka doonaysa Kooxda Real Madrid… (Waa kee?)

(Manchester) 24 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la soo warinayaa inay xiddig muhiim ah ka doonayso Naadiga Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain.

Warsidaha El Nacional ayaa warinaya in Manchester City ay si layaab leh ugu dhaqaaqi karto laacibka khadka dhexe ee Kooxda Real Madrid, Toni Kroos.

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa isha ku haya 31-sano jirka khadka dhexe ee Real Madrid, Toni Kroos, kaasoo heshiiskiisa haatan ku eg yahay 2023-ka.

Xiddiga xulka qaranka Jarmalka ayaa laga yaabaa inuu u furan yahay inuu isbedel sameeyo kaddib ku dhawaad toban sano oo uu joogay garoonka Bernabeu.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close