Kooxda Manchester United oo xog laga helayo haddii ay ceyrinayso Macallinkeeda Ole Gunnar Solskjaer

(Manchester) 24 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xog laga helayaa haddii ay sii haysanayso Macallinkeeda Ole Gunnar Solskjaer ama ay iska ceyrin doonto.

Macallinka reer Norway ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa bandhig liita ku hoggaamiyey kooxda ka arrimisa garoonka Old Trafford muddooyinki dhowaa, waxaana la hadal hayey in albaaba loo tilmaami doono.

Yeelkeede, xog la helayo haatan ayaa warinaya in Manchester United ay ku adkaysanayso inay sii haysanayo macallinkeeda Ole Gunnar Solskjaer, isla markaana shaqadiisu ay gacan badbaado ku jirto.

Sida lagu daabacay Wargeyska The Sun ee ka soo baxa Ingiriiska, Kooxda Manchester United ayaa ka digeysa Wakiillada u soo jeedinaya in la raadiyo bedelka Macallin Ole Gunnar Solskjaer.

Dhowr murrashax ayaa durbadiiba loo soo bandhigay Kooxda, laakiin Man United ayaa ku adkaysanaysa inaysan jirin wax fursad ah oo uu Tababaraha reer Norway ku waayo shaqadiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close