Tababare Koeman oo si RASMI ah u shaaciyey liiska xiddigaha Barcelona ee ka qeyb galaya kulanka El Clásico ee kooxda Real Madrid

(Barcelona) 23 Okt 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa shaaciyay liiska 23-ka ciyaaryahan ee uu ku shaqayn doono kulanka adag El Clásico oo ay bari kula ciyaari doonaan Real Madrid horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Liiska xiddigaha uu magacaabay Ronald Koeman kulanka ay bari soo dhoweynayaan naadiga Real Madrid waxaa dhanka weerarka hoggaaminaya xiddigaha Memphis Depay iyo Ansu Fati.

Tababaraha reer Holland ayaa dib u helay Weeraryahankiisa Kun Aguero, waxaana sidoo kale liiska xiddigaha uu kala hortagayo Real Madrid ku jira Coutinho.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Barcelona ay kala qeyb galayso kulanka bari galab ay soo dhoweynayaan Real Madrid:-

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close