Real Madrid oo u dhaqaaqeyso soo xero-gelinta Mukiele… (Booskee ayuu ka ciyaaraa?)

(Madrid) 23 Okt 2021. Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Real Madrid ee ka dhisan caasimadda Spain ayaa u dhaqaaqeysa soo xero-gelinta Mukiele.

Warsidaha Fichajes ayaa warinaya in Real Madrid ay indhaha ku hayso sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd daafaca Kooxda RB Leipzig ee Nordi Mukiele.

Mukiele ayaan dooneynin inuu kordhiyo qandaraaska uu kula jiro Kooxda RB Leipzig wixii ka dambeeya sanadka 2023-ka, sidaasi darteed kooxda ayaa laga yaabaa inay iska iibiso dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa ka mid ah kooxaha aadka u doonaya saxiixa daafacan, iyadoo tartan ugu jirta sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd Nordi Mukiele.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close