Mohamed Salah oo ka hadlay mustaqbalkiisa Liverpool iyo halka uu jecelyahay inuu xirfaddiisa kubadda cagta kusoo gabagabeeyo

(Liverpool) 23 Okt 2021. Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa markale ka hadlay mustaqbalkiisa Anfield xilli shaki weyn laga qabo inuu ka hayaamo Anfield maadaama aysan Reds illaa iyo haatan heshiiska u kordhin laacibkan iyadoo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga 2023.

Salah ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu kubadda cagta kusoo af-meero naadiga Liverpool isagoo doonaya inuu baaqi kusii ahaado kooxda lixda jeer hanatay tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League.

“Aniga iguma xirna, balse haddii aad aniga i weydiisid, waxaan jeclaan lahaa inaan joogo illaa maalinta ugu dambeysay xirfaddeyda kubadda cagta, gacmaheyga kuma jirto ee waxa ay ku xirantahay waxa ay kooxdu dooneyso” ayuu 29-sano jirkan u sheegay Sky Sports.

Waxa uu laacibkan intaas sii raaciyay inay murugo u ahaan lahayd u ciyaarista koox kale isagoo ka hor imaanaya Liverpool.

Laacibka kasoo jeeda dalka Masar ayaa kubadda cagta kasoo billaabay naadiga dalkiisa ka dhisan ee Al Mokawloon waxaana uu waqtiyo kala geddisan kusoo qaatay kooxaha Basel, Chelsea, Fiorentina iyo Roma kahor inta uusan kusoo biirin Anfield markaas oo uu Reds u dhaliyay 137 gool kaddib 214 kulan iyadoo 12 ka mid ah goolashaasna uu saxiixay xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close