Manchester City oo guul ay u qalantay ka soo gaartay kooxda Brighton oo ay booqatay… +SAWIRRO

(Brighton) 23 Okt 2021. Manchester City ayaa si sahlan guul kaga soo gaartay kooxda Brighton oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-4, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Manchester City.

Daqiiqadii 13-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda khadka dhexe ee Gundogan kaddib markii uu caawin ka helay Bernardo Silva.

28 daqiiqo Manchester City ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee dheesha kaddib markii uu 0-2 ka dhigay Foden oo ay caawin kaga timid Grealish.

Phil Foden oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Gabriel Jesus ayaa daqiiqadii 31-aad wuxuu dheesha ka dhigay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 81-aad kooxda Brighton ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay laacibkooda Alexis Mac Allister, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-3.

Laakiin 90 + 5 kooxda Manchester City ayaa soo xirtay bandhiga goolasheeda ee kulankan, waxaana 1-4 ka dhigay Riyad Mahrez kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Phil Foden.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-4 ay kaga soo adkaatay kooxda Manchester City, naadiga Brighton oo ay ku booqatay garoonkeeda American Express Community, City ayaa haatan ku jirta booska labaad ee miiska kala sareynta horyaalka Premier League iyada oo leh 22 dhibcood.

SAWIRRO:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close