Kooxda Bayern Munich oo 100 milyan oo euro ku soo qaadanaysa beddelka Robert Lewandowski… (Waa kee?)

(Munich) 23 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa la soo warinayaa inay 100 milyan oo euro kula soo wareegeyso beddelka Weeraryahankeeda Robert Lewandowski.

Sida uu warinayo Suxufiga Paolo Bargiggia Kooxda Bayern Munich ayaa qiimo sare kula soo wareegi karta xiddiga Naadiga Napoli ee Victor Osimhen.

Kooxda Jarmalka ka dhisan ayaa raadineysa weeraryahan sax ah oo beddeli kara Robert Lewandowski, waxayna u aragtaa 22-sano jirka reer Nigeria inuu yahay musharraxa ugu sarreeya.

Laakiin waa inay bixiyaan ku dhawaad 100 milyan oo euro si ay Kooxda Napoli ugu qanciyaan inay ka iibiso sanadka dambe.

Victor Osimhen To Miss Napoli's Five Coming League Matches Next Season

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close