Kooxda AC Milan oo wadahadal la furatay Corona

(Milano) 23 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta AC Milan ee ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa la warinayaa inay wadahadallo la furatay Corona.

Suxufiga Rudy Galetti ayaa warinaya in Kooxda AC Milan ay wadahadallo kula jirta Jesus Corona oo ay doonayso inay kala soo wareegto FC Porto.

Xiddiga xulka qaranka Mexico ayaa qadnaraaskiisa uu haatan kula jiro Kooxda Porto waxa uu ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in laga yaabo inuu Corona Kooxda lagu naanayso Rossoneri ka helo mushahar dhan 3 milyan oo euro.

Is Jesus Corona The Most Skillful Fullback? - YouTube

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close