Horudhac: Chelsea vs Norwich… (Blues oo weeraryahan la’aan oo wajaheysa koox aanan wali hoggaan u qaban kulan ka tirsan horyaalka)

(London) 23 Okt 2021. Toddobaadkii sagaalaad ee horyaalka Premier League ayaa bilawday xalay iyadoo ay Arsenal 3-1 kaga adkaatay Aston Villa, waxaana kulammada maanta daah rogaya Chelsea oo soo dhoweyneysa naadiga Norwich.

Blues ayaa hoggaanka u heysa horyaalka Ingiriiska iyadoo kaalinta koowaad kula jira 19-dhibcood halka Norwich oo dib ugu soo laabatay heerka koowaad xilli ciyaareedkan ay ku jirto booska ugu hooseeya kala sarreynta iyadoo leh labo dhibcood oo qura, waxayna raadineysaa guusheedii ugu horreysay horyaalka fasalkan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 02:30 Duhurnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Andrew Madley (England)

Wararka Kooxaha:

Chelsea ayaanan maanta heli doonin labadeeda weeraryahan ee Romelu Lukaku iyo Timo Werner kuwaasoo dhaawacyo kala duwan looga saaray ciyaartii Champions League ee ay toddobaadkii hore ka adkaatay naadiga Malmo, waxaana sidoo kale maqnaan doona Christian Pulisic oo goor dhow la filayo inuu tababarka billaabo.

Dhinaca kale, Billy Gilmour oo amaah ugu Norwich ayaanan ka hortagi karin kooxda mulkiyadiisa iska leh sidaas darteed ma ciyaari doono, iyadoo dhinaca kale ay dhaawacyo ku maqnaan doonaan Todd Cantwell, Sam Byram iyo Christoph Zimmermann halka shaki la gelinayo Przemyslaw.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool:-

Chelsea ayaanan guuldarro kala kulmin Norwich 17 kulan oo ay wada ciyaareen tan iyo 1994 waxaana ay Blues adkaatay 12 kulan halka shan jeerna ay barbarro la kulantay.

Norwich ayaa sidoo kale barbarreyn karta rikoorka guuldarrooyinka xiriirka ee ugu dheer Premier League ee ay hal koox kala kulantay waana shan guul oo xiriir ah oo ay kala kulantay Wimbledon iyo Liverpool.

Chelsea

Chelsea ayaa dooneysa inay guul gaarto lix ka mid ah sagaalka kulan ee ugu horreysa horyaalka markii ugu horreysay tan iyo 2014 markaas oo uu macallin u ahaa Jose Mourinho waxaana xusid mudan inay xilli ciyaareedkaas ku guuleysteen Premier League.

Ma jirto koox ka difaac wanaagsan Blues horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan iyadoo laga dhaliyay kaliya saddex gool.

N’Golo Kante ayaa safan kara kulankiisii 200-aad ee Premier League.

Norwich

Norwich ayaa guul la’aan ah 18 kulan oo Premier League ah iyadoo dhalisay kaliya saddex gool kulammadaas waxaana usii dheer 16 guuldarro iyo labo barbarro.

Kooxda lagu naaneyso The Canaries ayaa ah kooxda kaliya ee illaa iyo haatan aanan hoggaan u qaban ciyaar ka tirsan Premier League xillio ciyaareedkan.

Difaaca reer Scotland ee Grant Hanley ayaa safan doona kulankiisii 300-aad ee horyaallada.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Chelsea:

Norwich:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close